Sawiro:Qoorqoor oo daahfuray Mashruuc ay ku kacayso 5 Milyan oo dolar

qoorqoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daah-furay mashruuca “Biyoole” oo ah mashruuc ka shaqayn doona horumarinta Biyaha, Beeraha ,Deegaanka iyo Daaqa, waxaana mashruucaan Galmudug ka caawinaya Banka adduunka.

Mashruucan waxaa si wadajir ah u fullin doonaana wasaaradaha kala ah Wasaaradda Qorsheynta, wasaaradda Biyaha, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha iyo Wasaarada Deegaanka.

Mashruuca Biyoole qeybtiisa Galmudug waa ku baxaysa 5 Malyan oo doollar waxaana ka faa’iideysan doona 25 kun oo ka faa,iideyste, oo 14 kun oo ka mid ah ay haween yihiin.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo mashruucaan si rasmi ah u daahfuray ayaa sheegay in uu yahay mid aad loogu baahnaa marka loo eego deegaannada Galmudug dhanka Biyaha, waxa uuna u mahadceliyey cid waliba oo kaalin ku leh mashruuca Biyoole.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.