Sawiro:Macadka sare ee daraasaadka amniga oo xariga laga jaray

Mahdi

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Dalka, mudane, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarigga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga oo ah hay’ad talciin sare oo Dowladdu leedahay.

Ujeeddada machadka loo aasaasay ayaa ah kobcinta heerka aqooneed, midka xirfadeed, ogaalka xubnaha laamaha amniga ee Dowladda, iyo in hoggaanka sare ee Dalku ay helaan talo bixin iyo gorfeyn cilmiyeysan oo ku saabsan amniga Qaranka.

Mudane, Mahdi Maxamed Guuleed, waxuu sheegay in furitaanka machadkaan ay ka dhigantahay tallaabo weyn oo loo qaaqay hagaajinta amniga Dalka.

Dowladda ayaa dedaal dheeraad ah gelisay horumarinta amniga Dalka, waxaana guul weyn laga gaaray dib-u-habeynta qeybta amniga Dalka.

Arrintaas ayaa sahashay in degaanno badan oo Argagaxisadu ay Dadka ku dhibaateyn jirtay dib loogu soo celiyay gacanta Dowladda, kuna soo laabatay  noloshii caadiga aheyd ee Bulshad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.