Cida qaadatay Machinadii Oxgen ee laga dhacay Caabudwaaq iyo balanbale oo la Ogaaday

ventiloter

Dhawaan bay ahayd Markii Cudarka Coronavirus uu ka Dilaacay Degmooyinka Caabudwaaq iyo Balanbal ee gobolka Galgaduud halkaas oo dad isugu jira rag iyo Haween ugu dhinteen kadibna qaylo dhaan loo diray Dowlada Soomaliya.

Dowlada Soomaaliya oo ka Jawaabaysa Codsiga Bulshada balanbale iyo Caabudwaaq ayaa waxay usoo dirtay Qalabka Coronaha oo ka mid yihiin Machinada Oxgen kuwaas oo tiradooda ahayd 8 Machine waxaana sadex Machine lagu reebtay Magaalada dhuusamareeb.

Machinadaan Oxgenta ee loogu talagalay Demooyinka Caabudwaaq iyo Balanbale ayaa waxaa Gaari u waday Caabudwaaq iyo Balanbale kala dagay Madaxda Galmudug kuwaas oo kuxirtay Guryo ku yaala Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxda Galmudug ayaa inta badan waxay dagaal qaboob kula Jiraan Degmooyinka Caabudwaaq, Balanbale iyo Deegaanada hoos taga, Dhawaan bay ahayd Markii wasiirka qorshayanta Galmudug uu ka reebay Degmada Balanbale Mashaariic lagu Horumarinayo Degmooyinka Galmudug.

Dhanka kale Xabsiga Dhexe ee Galmudug oo Madaxwaynaha soomaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo iyo Madaxwaynihii hore Galmudug Xaaf ay ka dhagax Dhigeen Bangeele ayaa hada Dhismihiisa laga Bilaabay Koofurta Gaalkacyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.