Sawiro:Taliyaha Xoogga oo kormeer ku tagay Xarunta Taliska Qaybta 21-aad

odawaa

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo ku jira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanada Galmudug ayaa maanta  gaaray Xarunta Taliska Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhuusamareeb , isagoo kormeer ugu tagey Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka ee fadhigoodu xeradan kuwaa oo kujira diyaar garow sare  ee la dagaalanka cadawga ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada Al-Shabaab

Taliyaha ayaana kormeeray Xafiisyada Taliska iyo rugaha ciidamada Xoogga Dalka ee Magaalada Dhuusamareeb oo haatan ah Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug .

Kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga , saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdcasiis Cabdu;laahi Cabdi “Qooje” , Taliyaha Guutada 15-aad General Mascuud Maxamed Warsame iyo Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad, cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga ayuu taliyuhu salaan sharaf ka qaatay isagoo intaa kadibna dardaaran u jeediyay Ciidamadan .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.