Galmudug oo fasaxday qalabkii coranaha ee Laga xanibay Caabudwaaq

corona

Maamulka Galmudug ayaa degmada Caabudwaaq waxaay ka hor istaageen in la gaarsiiyo Qalabkii ka hoortaga Covid-19 ee dowlada federaalka Soomaaliya soo gaarsiisay Galmudug kaas lagu xirtay baqaaro ku yaala Magaalada Dhuusamareeb.

Ujeedada Qalabkaan loo keenaya Galmudug ayaa ahaa in looga hortago Faafida Fayriska Coronaha balse ma ahayn in Baqaarada Magaalada Dhuusamareeb lagu xirto, taasina waxay keentay in Cudurka Coronaha tira dada ku laayo caabudwaaq kuwana la ildaran yihiin.

Isbitaalada caabudwaaq ayaanan Haysan qalabka lagu baaro Coronaha iyo kuwa kale ee loo adeegsado dadka uu ku dhaco Fayriska Covid19.

Maamulka galmudug markii ay maqleen qaylo dhaanta kasoo yeerayso Caabudwaaq ayey waxay sheegeen inay fasaxayaan qaar kamida Qalabkii Coronaha ee kuxirnaa Baqaarada Dhuusamareeb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.