Dowlada Soomaliya oo sheegtay 2000 Qof in laga helay Coronaha

Wasiir

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 60 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 21 qof, waxaana geeriyooday 5 bukaan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 53 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 7-da kale ay yihiin haween.

32 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay Jubbaland, Somaliland 18, Gobalka Banaadir 6 iyo Galmudug 4 qof.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,976 waxaa bogsootay guud ahaan 348 ruux. Halka 78 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.