Daawo:Soomaaliya oo Hoos u dhac ku yimid dadka qaba Fayriska koronaha

koronaha

La taliyaha sare ee COVID19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegay in 24kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 13 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,731.

Bukaannada cusub oo laga diiwaan geliyay Somaliland 8 iyo gobalka Banaadir 5 ayaa 10 kamid ah waxa ay yihiin rag, 3-na waa haween.

Feyruska Karoona waxaa bogsooday 12 qofood oo cusub taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 265 qofood.

Lama diiwaan gelin bukaan cusub oo u geeriyooday COVID19, waxaana geerida guud mareysaa 67.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.