Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo Ka Hadlay Saameynta COVID-19 Ku Yeeshay Ganacsiga

wasiir

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa, ayaa ka hadlay war-bixin ku saabsan saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in war-bixintu ay muujinayso in badeecadihii ay dawladdu u sameysay cashuur-dhaafka uu hoos-u-dhacay qiimahoodii sidoo kale na uu cudurkani saameeyey ganacsiyo tiro badan iyo badeecadaha dalka.

Wasiirka, ayaa xusay in sicir-barar ku yimi khudaarta dalka, waxyaabaha lagu nadiifiyo gacmaha iyo weli ba sidoo kale ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe oo qaarkood xidhmeen, waxa kale oo uu sheegay in cudurka COVID-19 uu saameyn xooggan ku yeeshay wax-soo-saarkii dhinaca warshadaha iyo weli ba sidoo kale lacagihii dhinacaha xawaaladaha.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu carabka ku dhuftay in marka loo eego wakhtigii COVID-19 dalka laga dhawaaqay iyo xiligan in maalin ba maalinta ka dambeysa uu hoos-u-dhac ku imaanayo sicir-bararkii ku yimi badeecadaha dalka, isaga oo xusay in ganacsatadu ay ku ammaanan yihiin sida wanaagsan ee ay ugu naxariisteen shacabkooda isla-mar-ahaantaana ay ugu dhimriyeen xaaladaha adag ee lagu jiro awgeed.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, wuxu sheegay in Wasaaraddu ay la socoto dhaq-dhaqaaqa ganacsiga wadanka isla-mar-ahaantaana ay marar kala duwan ka jawaabtay saameynta COVID-19 ee ganacsiga isagoo sidoo kale na xusay in ay wadaan mashaariic lagu horumarinaayo ganacsiga wadanka kuwaas oo jawaab u ah saameynta COVID-19 ee ganacsiga.

Wasiirku, wuxu aad u boggaadiyey Ganacsatada Soomaaliyeed oo la yimi hal-abuuro ganacsi oo ay kaga qeyb-qaadanayaan ka hortaga cudurka COVID-19 iyaga oo farsameeyey neefiyeyaal wax-weyn ka taray baahidii cisbitaalada loogga qabay dadka laga dabiibaayo cudurkan, waxa kale oo uu ku ammaanay inay bishan Ramadaan ay aad wax-u-tareen dadka masaakiinta ah ee wadanka ku sugan.

 Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu ugu dambeyn uu ganacsatada ku dhiiri-geliyey inay dhibbaatada COVID-19 ay u beddelaan fursado ay ku maal-gashanayaan wax-soo-saarka wadanka, waxaana uu carabka ku adkeeyey in wadanku aanu ku tiirsanaan karin kaalmooyin uga yimaada dalalka dibadda iyo weli ba in ganacsigiisu uu ku tiirsanaado dalal shisheeye.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.