Sawiro:Wasiir Bayle oo Booqday Xarunta CoronaVirus ee Magaalada Muqdisho

Bayle

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa  Maanta kormeer ku tagay Xarumo loogu talagalay in lagu karantiilo Dadka looga shakiyo Cudurka COVID 19 oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintaan Xarumaha ay booqdeen  ayaa waxaa kamid ah Isbitaalka Martiini iyo kuwo kale iyaga oo hadalo isugu jira wacyi gelin iyo dardaaran u jeediyey Shaqaalaha Caafimaadka ee ku sugan Xarumahaas.

Wasiirka ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono qeybaha burbursan ee isbitaalka Martiini si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

“Waxa aan maanta booqasho ku tagnay Xarumaha caafimaad ee loo diyaarinayo bukaanada ay suuro galka tahay in looga shakiyo ama laga helo cudurka coronavirus Alle kuma keenee,waxaana ka mid ah Hospital Martiini oo aan dooneyno in aan dib-u-dhis ku sameyno qeybaha bur-bursan ee Hospitalka, sidoo kale waxa aan booqanay goobaha hadda diyaarsan ee Karantiilka loogu talagalay ayuu yiri” Wasiir Beyle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.