Daawo:Dowlad Deeganka Soomalida Hal Qof Oo Looga Shakisanyahay CoronaVirus

cagjar

Waxaa maanta shir jaraa’id si wada jir ah u qabtay Wasiirka Xafiiska Warfaafinta DDS & Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS kuwaas oo shirkooda kaga hadlay sidii Bulshada looga wacyi galin lahaa Cudurka Corona Virus ee saameeyay dunida.

Wasiirka Xafiiska Warfaafinta Xabiib Xaaji Muxumed ayaa sheegay in warbaahinta gaarka iyo tan Dowlada looga bahan yahay in door muuqda ka qaataan sidii bulshada looga wacyi galin lahaa faafida cudurkaa Corona Virus.

Waxa uuna warbaahinta ugu baaqay in ay baahiyaan warar xaqiiqda ku salaysan oo aan la siyaasadeyn wararka la xidhiidha cudurkaan waxa uuna waraabhinta ku adkeeyay in ka fogaadaan wararka been abuurka ah.

Wasiirka Xafiiska Caafimaadka Dr Yuusuf Maxamed ayaa isna dhankiisa sheegay in Xafiiska Caafimaadka diyaar garoow xoogan ka galay halista cudurkaan waxa uuna sheegay in si buuxda guud ahaan deegaanka uga wadaan wacyigalino la xidhiidha sidii Bulshada ugu digtoonaan lahaayeen Cudurka si looga hortago faafida Corona Virus.

Wasiirka ayaa sido kale Shirkiisa jaraa’id ku sheegay in baadhitan ku socdo Gabadh uu sheegay in looga shakiyay cudurka Corona Virus taas oo laga soo qabtay Jaamacada jig jiga, islamarkaana jawaabteeda ay ka war dhowrayaan,waxa uuna Bulshada deegaanka ugu baaqay in ay ku dadaalaan wacyigalinta faraxalka oo qayb wayn ka qaadan kara faya dhowrka caafimaadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.