Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Xudur ee Gobolka Bakool kulan wadatashiga ah oo la xiriiray wareegga Labaad ee Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka kula yeeshay xubno ka socday bulshada rayida iyo ganacsatada kulan ku saabsan.
Daahfurka wada tahshigan waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Koonfur galbeed, Agaasimaha Qorsheynta federaalka, Gudoomiyaha Gobalka Bakol, kan degmada Xudur iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka Qorshyenta Koonfur galbeed Soomaaliya Ahmed Madoobe Nuunow ayaa tilmaamay in ka Wasaaradd ahaan ay ku faraxsan yahiin hannaanka uu u socda wadatashiga Qorshaha isla markaana uu sawir guud ka bixinaayo waxa looga baahan yahay dadka ku nool gobalkan Bakool.
Agaasimaha Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Muuse Maxamed Cusmaan ayaa sharaxaad ka bixyay ujeedada kulankaan oo uu tilmaamay in muhiimadiisu tahay sidii dalkeena looga yareen lahaa Saboolnimada iyo sidoo kale deyn cafinta
Guddoomiyaha Gobalka Bakool Maxamed Toolow ayaa sheegay in ka maamul ahaan iyo bulsho ahaan ay farxad weyn u tahay in la dhageysto bulshada gobalka,lana baahiyo baahiyahooda dhabta ah ee la doonayo in loogu biiriyo qorshaha Qaranka.
Ka qeybgalyaashii kulankaasi ee dhinaca bulshada rayidka ah iyo ganacsatada,ayaa iyaguna ka hadlay halkaasi,waxa ayna ka warameen muhiimadda lagama maarmaanka ah ee ay doonayaan in loogu biirayo qorshaha horuamrinta Qaranka.
Leave a Reply