Sawiro:Banaan bax uu soo abaabulay Axmed madoobe ayaa Ka dhacay Kismaayo

Bannaan bax uu soo abaabulay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo looga soo horjeedo Dowlada Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland.

Dadkaan oo Axmed madoobe ka keenay xaafadaha Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay socod ku soo mareen wadada halbowlaha u ah Magaalada Kismaayo waxa ayna wateen boorar uu soo siiyey Hogaamiyaha Jubbaland.

Dadkaan bananbaxa ka dhigay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa loo balanqaaday lacag haday socod kusoo dhexmareen Magaalada Kismaayo ayakoo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Dowlada Soomaaliya.

Ma aha markii ugu horeysay ee Hogaamiyaha Jubbaland Axmed madoobe uu soo abaabulo shir iyo kulamo ka dhan ah Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.