Sawiro:Kulankii Golaha wasiirada Jubbaland oo shaki soo kala dhexgalay

janan

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed madoobe ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada kaas oo ay kajirtay kala Shaki kadib markii uu ka qayb galay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirishiid Xasan Nuur Janan oo si qarsoodi ah Muqdisho ku tagay.

Kulanka maanta waxaa lagaga hadlay sidii shacabka iyo Hay’adaha amaanku uga wada shaqayn lahayeen sugida nabadgalyada inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa waxaa la waydiiyey Su’aalo ku saabsan safarkiisii uu ku tagay Magaalada Muqdisho kaas oo kulamo qarsoodi ah kula qaatay Madaxda Dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirishiid Janan ayaa sheegay inuu Muqdisho u aaday arrimo isaga u qaasa oo ay kamid yihiin dacwad loo haystay , Wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu kulan la qaatay Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.