Dhalinyaro Shabaabka Qaldeen oo dil lagu fuliyey

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa xukun dil ah ku fulisay 3 dhagarqabayaal ah kuwaasi oo ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Naasa-Hablood2 ee magaalada Muqdisho, 28 Oct sanadkii 2017 kaasi oo khasaare dhaliyay.

Hadaba halkan ka akhriso: Habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda.

Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:-

1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud.

2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud   ku dhashay Gedo

3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo  eedeeyay  Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo  in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay  18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale.

Taariikhdu ahayd  30/05/2018  waxey  maxkamada ciidamada qalabka sida ku  Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo  Taariikhdu markay ahayd   28/10/2017.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.