
War helaa tala hela markii cadawgaaga iyo saaxiibkaagu kuu kala caddaadaan baad heli kartaa in aad qaadatid tilaabo ama talo aad isku badbaadin kartid iyo cida aad isku haleyn kartid,haddaba akhristayaal waxaan la wada soconaa in dawlada Keenya siyaasiyiin kuwa sheeganayey oo Soomaaliya qayb baddeena ka mid ah kula heshiiyeen in ay qaadato, waxaa kale oo wayadaan danbe soo ifbaxay shaqsiyaad daneystayaal ah oo qiyaanada qaranka Soomaaliyeed iyo hagardaamadiisa ka raadiya macaash ay xoolo ku helaan ama in ay madax noqdaan oo karaamada sharafta Ummaddda Soomaaliyeed siistaan wax yar oo ay boorso ku qaataan.
Soomaalida waxaan u sheegayaa in aan arintaan u baahneyn war badan ee ay maanta soo gaartay sidii aan dalka iyo dadka Soomaaliyeed u badbaadin lahayn si aan caruurtayada danbe daxal la,aan ugu dhicin,ma aha markii ugu horeysay oo aan qoraal ama kilib muuqaala ugu digay ummadda Soomaliyeed in ay indhaha furto oo ay ukumihii Mille Sanaawi iyo Tegreedii uu hogaaminaayey oo Muqdishow uu u fadhiyey kononeyl Gare iyo Dayal Arab Moagii Keenya ay dajiyeen in ayyan dawlad ka dhalan Soomaaliya dhulkana ay kala qaybsadaan,arintaas Danyal Arab moa baa markii uu xilka ka degay ka akhariyey Jaamacad ku taala Mareykanka, Ayaan daro Meesha Soomaalidu warkaas ku ilowday waan garan la,ahay.
Maharin hadal aan isku sheegno ee waxaan ku soo ururinayaa axsaabta
siyaasiyiinta sheeganaaya iyo kuwa loo bixiyey dawlad goboleeyada waa
cadawga calanka buluuga ah,waana ardaydii Macalin Korneyl Gabare oo wax ka
saameeyey maabkii maalintii dhaweyd haraadigii tegreedu soo bandhitay kuna
shabadaynayeen taliska Itoobiyada maanata oo aan hawshaas shaqo kulahayn.
Waxaan kale oo ummadda Soomaaliyeed u sheegayaa in midnimada iyo
karaamada dalka iyo dadka Soomaliyeed waxa u tagan ay yihiin Madaxweyne
Farmaajo iyo Re,isulwasaare Khayre kooxda ay hoggaaminayaan loona baahan
yahay in aan la difaacno dalka.
YAA DALKA BADBAADIN HARA?
Dalka waxaa badbaadin kara Culumada iyo dhalinyarada,culumada
soomaaliyaaed ee ku kala nool lixda calan ee duulanka ku ah calanka baluuga ah
a iyo midnimada ummadda Soomaliyeed muxaaradooyinka iyo quranka iyo
axaadiista faraha badan oo ay oogayaan yey u qaadan in ay wada guteen
waajibaadkii diinta,waayo waxay diintu u baahan tahay dal iyo dad muslim ah oo
ay ka sii jirto,sidaas awgeed marka u horeysa culumadu kala qaybsanaanta ha ka
baxdo oo yey qayb ka qaadan in dalkaan iyo dadkiisu gaalo gacanta u galaan.
(XARIGA EEBBE QABSADA OO HA KALA TEGINA).ilaah dartiis u midooba ha
ag fadhiyinina calmada beentaa ee Korneyl Gabre u samaystay in uu dalkaan iyo
dadkiisa ku duleysto oo mideeye codkiina iyo cududa dhalinyarada oo aan cidina
loodin Karin waana masu,uuliyada aan shacbi ahaan idinka sugeyno culumoy,
Eebbana waa idin kula xisaabtami doonaa haddii aad dana gaar ah idinka oo
illaashanaya dalkaan iyo dadkiisu gaalo u gacan galo,uma baahna Soomaliya
calamo badan ee keedii buuluuga ahaa aan wada karaamayno.
Wabilaahi Towfiiq,
Jimcaale.
Leave a Reply