Nin Maraykana oo loo magacaabay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

james

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres ayaa u magacaabay James Swan inuu noqdo Ergeyga cusub ee u qaabilsan Soomaaliya.

Mr James Swan oo ah Diblomaasi u dhashay Mareykanka ayaa bedelaya Ergeygii hore ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom, kaasoo horaantii sanadkan ay dowladda Soomaaliya ka eriday dalka.

Antonio Gutterres ayaa muddo baadigoobay wakiil cusub, waxaana uu ka fikirayay in Wakiilka cusub uu noqdo nin ka soo jeeda shanta dal ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ku leh codka qayaxan.

Mr. Swan ayaa ah shaqsi qibrad badan u leh xagga diblomaasiyadda, waxaana uu in muddo ah dowladda Mareykanka u qaabilsanaa xagga Qaaradda Afrika iyo dalalka Nicaragua iyo Haiti, sanadihii 2013 iyo 2016 waxa uu ka soo shaqeeyay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, sidoo kale waxa uu soo noqday Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 iyo 2013, Safiirka Mareykanka ee u fadhiya Djibouti intii u dhexeysay 2008 to 2011.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.