Ciidanka Amniga oo Howlgallo ballaaran ka sameeyey Muqdisho

Howlgalkaan lagu sugayay Amniga Caasimadda ayaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran waxaa ay ka sameeyeen waddooyinka Sodonka,Warshadaha iyo duleedka magaalada Muqdisho,si loo xoojiyo amniga caasimadda,si bulshada ay u helaan amni la isku haleyn karo.

Intii uu socday Howlgalkaan ayaa waxaa la baarayay Gadiidka nuucyadiisa kala duwan iyo dadweynaah,taasi oo qeyb ka ah qorshaha amniga.

Ciidamadan oo tababaro dheerad ah heysta ayaa ugu horeyn howlgaladooda ka bilaabay isgoyska Baar-ubax ee jidka Sodanka,waxaana lagu hubinayay gadiidka & dadweynaha,iyadoo   si  taxadir leh loo xogwareysanayay dadweynaha.

Intaa ka dib ayay Ciidamadu u ruuqaansadeen duleedka magaalada Muqdisho,iyagoo gaaray Calamada iyo deegaanka Ceelasha Biyaha,dadweynaha ayaa u muuqday kuwo ku faraxsanaa howlgalada ay wadeen ciidanka amaanka dowladda Soomaaliya,maadama ay ka hortagayaan dhagaraha cadowga.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay inay  sii wadi doonaan Howlagaladan inta laga xaqiijinayo Amniga caasimadda.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa  bulshadu u geysta gabood  qaraxyo iyo weeraro,balse waxaa dhanka kale diyaarsan ciidamo naftooda u huraya in ay shacabku ay ka qabtaan cadowga Argaggixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.