Dhageyso:Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland oo ugu baaqay Gudiga Doorashada Jubbaland inay iscasilaan

axmed

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Jubbaland ee axmed madoobe magacowday Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inay Odayaasha jubbaland kismaayo keenayaan si ay ugu soo gudbiyaan sadex Musharaxa oo u tartamaya Xildhibaanka beeshaas ayakuna kala saarayaan.

Hadalkaas kasoo yeeray Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Jubbaland ee axmed madoobe magacowday Xamse Cabdi Barre ayaa waxuu ka caraysiiyey Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Jubbaland.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi warsame “Deeq Faandhe” oo saaxafada Maanta la hadlay ayaa waxuu sheegay inaan la qabali Karin hadalka kasoo yeeray Gudiga Doorashada Jubbaland waana inay iscasilaan sababtoo ah dad dhex dhexaad ah ma ahan waxayna fulinayaan arimihii axmed madoobe u idmaday.

1 Comment

  1. doorasha jubbaland waa mid dhacayso waqtigii loogu talagalay.asxaabta facebook,youtube iyo websites maryooleydu waa inay maanka ku hayaan tolow haddii aad gafuurka dhisto ama aad calaacasho inaysan jirin cid dhag jalaq u siinaysa.waa laga soo gudbay sheekadii ahayd boowe baasto caydhiina ceesh malagu fuuday.

Leave a Reply to oday cade Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.