Sawiro:Jaaliyadda Columbus oo soo dhaweeyay Musharaxa Jubbaland Cabdi Cusman (Cabdoow)

cabdow

Jaaliyadda Soomaaliyeed magaalada Columbus Ohio dalka Mareykanka ayaa xaflad taageeraa u sameeyay Musharax Cabdi Cusmaan Ciise oo loo yaqaan (Cabdoow) una tartamaya qabashada madaxnimada Maamulka Jubbaland.
Waxa ay ku taageereen go’aankiisa ku aadan in dalkiisa uu dib ugu celiyo aqoontiisa kadib markii sanadihii la soo dhaafay safaro u kuurgalid ah uu ku soo sameeyay goboladda Jubbaland oo uu ka soo jeedo.
Cabdoow waa aqoonyahan mudo ku noolaa Mareykanka, Wax ka bartay kana samaystay Ganacsi iyo shaqooyin kale, isaga oo iminka Go’aansaday in baahiyaha uu indhihiisa ku soo arkay Gacantiisa iyo qalinkiisa wax uga qabto.
Musharaxa Madaxweynaha Jubbaland Cabdi Cusman (Cabdoow) ayaa sheegay in ay muuqato rajo fiican isla markaana uu wax ku doonayo Nidaam isbadal ku qotoma rabitaan shacab.
“Aniga oo haysta Nolol igu filan, dhaqaale, iyo amni waxaan ka doorbiday in aan intaas oo dhan uga tago baahida shacabka Jubbaland, aniga oo wax ka qaban doona, Arimaha Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka, Siyaasadda, Isku soo celinta shacabka walaalaha ah ee jubbaland oo mudo ku soo jiray dhibaato ka dhalatay colaadaha dalka ragaadiyay, waxaana balan qaadayaa in aan ilaaliyo jiritaanka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed aniga oo ilaalin doona xaduudaha iyo qayraadka dalka gaar ahaan Jubbaland” ayuu yiri Cabdoow oo sharaxayay waxa uu qaban doono.
Waxa uu cabdoow ka mid noqon doonaan Raxan murashaxin ah oo u taagan qabashada Madaxnimada Jubbaland isaga oo balan qaaday hadii uusan ku guulaysan in aqoontiisa iyo taladiisa uu ku biirin doono cidwalba oo qabata Hogaanka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.