Top News:Axmed madoobe oo dalbaday 5 Milyan iyo Dowlada oo ka hortimid Dalabkiisa

axmedmadoobe

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sheegayaan wada hadaladii usocday Hogaamiyaha Jubbalaland axmed Madoobe iyo dowlada Somaliya inay galeen meelo Xasaasiya.

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed madoobe ayaa waxuu dowlada ka dalbaday lacag dhan 5 Milyan oo Doolar si uu Kursiga u baneeyo ugana tanaasulo Doorashada Madaxwaynaha jubbaland ee soo socota, Balse dalabka Axmed madoobe waxaa ka hor yimid Madaxda Dowlada ugu sareysa.

Dhanka kale Madaxda Dowlada Soomaliya ayaa waxay Axmed madoobe u sheegeen inay dhacayso doorashadii Madaxwyanaha iyo Barlamaanka Jubbaland lana aqbalayn inaad faragalin kusamaysid.

Waxaa wali socda wada hadaladii Axmed Madoobe iyo Madaxda Dowlada Soomaaliya wallow laysmari la yahay waxaana lafilayaa in heshiis laga gaaro qilaafka Jira sida Doorashada Jubbaland iyo qilaafka Dowlada iyo Axmed madoobe.

Wararkeena dambe kala socda Waxii kasoo kordha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.