Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii Argagixisada ay la beegsadeen goobo Rayid

calan

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qarax ay dad rayid ahi ku dhinteen oo argagixisada Alshabaab la beegsadeen goobo rayid oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxda Qaranka ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay falkii Argagisada Alshabaab ku laayeen dad rayid ah oo makhaayado ka cunteynayay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowladdu dadaal ugu jirto sugidda amniga, isagoo bulshada Soomaaliyeedna ku boorriyay in ay u midoobaan la dagaallanka argagixisada maalin kasta daadinaya dhiigga shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.