Dowlada Somaliya oo Baaq kasoo saartay dagaalo kadhacay Hirshabeele

wasiir

Wasaaradda arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo arrimaha Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq ka soo saartay dagaallo ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo u dhexeeya dad walaalo ah oo deegaan wada daga.

Wasaaraddu waxay mas’uuliyiinta Hirshabelle, Galmudug iyo waxgaradka deegaanka ugu baaqday inay si dhab ah ugu istaagaan daminta colaaddaas, waxaana ay ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay colaadaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay inay kaalin wayn ka qaadanayso dib u heshiisiinta bulshada oo ka mid ah hawlaha ay u xilsaarantahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.