Daawo:Dowlada Soomaliya oo ka hadashay arimaha Xajjka

xaj

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay kulan ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee ku jira tubta horumarinta arrimaha bulshada.
Kulanka tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa maanta looga hadlay Qorshaha iyo siyaasadda arrimaha Xajka, horumarinta shaqaalaha dawladda iyo siyaasadda isbedelka cimilada Soomaaliya. 
Ugu horrayn wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa shirka maanta ee tubta horumarinta arrimaha bulshada waxa ay kusoo bandhigtay siyaasadda iyo qorshaha arrimaha xajka oo qayb ka ah halbeegyada ay wasaaraddu ku leedahay tubta.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee shaqaalaha rayidka ah,  Hassan Abshirow Mohamed, oo shirka ka war bixiyay ayaa sheegay in guddigoodu ay kulanka kusoo bandhigeen kormeer ay labadii bilood ee lasoo dhaafay ku sameeyeen hannaanka ay shaqaalaha dawladdu u howl galaan, caqabadaha jira ee dhanka shaqada ah iyo talooyin ku aadan qaabkii loo xallin lahaa.
Dood dheer kadib, ayaa Tubta horumarinta arrimaha bulshadu waxa ay ogolaatay in la dardar geliyo dib-u-habaynta shaqaalaha iyo in la sameeyo hab casri ah oo la gula socdo shaqooyinka shaqaalaha iyo hannaanka shaqa galkooda.
Waaxda Deegaanka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa iyana waxa ay tubta usoo bandhigtay siyaasadda Isbadalka Cimiladda Soomaaliya oo qorshuhu yahay in aasaas looga dhigo hannaanka dawladdu u wajahayso isbedelka cilmada. 
Himilooyinka Tubta Horumarinta arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah  horumarinta hab-racyada, Istaraatiijiyadda iyo sharciyada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo in sare loo qaado aqoonta iyo xirfadaha bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.