Gudoomiye Yariisow oo Amaan kala duldhacay Haweenka Somaliyeed

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kaga qeyb galay Munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka 8-da Marso ayaa ku ammaanay Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka Gobolka Banaadir dadaalka ay geliyeen dib u dhiska dalka.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrimaha dib u heshiisiinta iyo darisaynta bulshada Caasimadda ay laf dhabar u yihiin Haweenku, taas oo muujinaysa mudnaanta Maamulka Gobolka Banaadir ay siinayaan xoojinta doorka Haweenka ee ku aaddan ka qeyb galka siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Eng.Yarisow ayaa uga mahadceliyey hooyooyinka Gobolka Banaadir sida ay dhexda ugu xirteen hirgalinta iyo kamira dhalinta Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo Caasimadda.

Guddoomiyaha oo tilmaamay doorka haweenku ay ku leeyihiin amniga Gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ayaa tacsiyeeyey geerida haweenka Soomaaliyeed ee ku shahiiday iyagoo ka shaqeynayey bilicda iyo faya dhawrka Caasimadda, kuwaas oo weerarada argagixisada Alshabaab ay ku beegsadeen ay muujinayso cadaawadda ay u qabaan dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa ku wareejiyey Haweenka 17ka Degmo ee Gobolka qalabka kala duwan oo ku maareeyaan noloshooda, isagoo xariga ka jaray xarunta farsamada gacanta oo Dumarka Soomaaliyeed ay ku kobcinayaan xirfadahooda wax soo saar.

Eng.Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolku uu kordhinayaan qondada shaqaaleysiinta haweenka, mudnaan gaar ahna la siinayo ilaalinta xuquuqdooda iyo kobcinta tayadeedo shaqo.
Xigasho warbaahint Qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.