Daawo:Xuska Maalinta haweenka Aduunka oo lagu qabtay Magaalada Balanbal

Magaladda Balanballe Ee Gobolka Galgaduud Ayaa Maanta Siweyn Looga Xusey Maalinta Haweenka Aduunka Ee 8 Mach , Munaasabadaan oo ahayd mid lugu xusaayay maalinta haweenka aduunka ee 8 match ayaa maanta lugu Qabtay dagmada balanbale ee waqooyiga Gobalka Galgaduud.
Ururada Haweenka Balanbale oo ayagu munaasabadaan soo Qaban Qaabiyay ayaa waxa kala Qayb Galay Xubno ka socdo maamulka dagmada Balanbale
Qaar ka mid ah ururada haweenka ee ayagu soo Qaban Qaabiyay Xuskaan ayaa siyaabo kala duwan oga Hadlay ahmiyada maalintaa Haweenka aduunka gaar ahaana kuwa soomaaliyeed uleedahay waxay sidoo kale ka hadlay tacdiyada haweenka loo gaysto oo wayahan danbe Ku soo badanaayay dalka kuwaas oo gabdho yar yar lugula kacaayay
Haweenkan xusaayay 8 march ayaa dhanka kale ka hadlay arimo Ku aadan Xaquuqdoodii ay dowlada federaalka iyo Galmudugba ku lahaayeen oo aysan waayahan danbe helin
Waxayna si Gaar ah oga hadleen shirkii wasaraada Haweenka Somali ay Ku qabatay muqdisho oo ay sheegeen in wasaaradu dadkii ka qayb galay ay dagmada balanbale ka reebtay
Ugu danbey madaxa arimaha bulshada balanbale saalax cabdile aadan ayaa sheegey in ay haweenka garabtaagan yihiin marwalba hormarkooda kala shaqayndoonaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.