Sawiro:Xukuumadda Oo Billaawday Daadejinta Hawlaha Tubaha Qaranka

Mas’uuliyiinta madaxda ka ah Tubaha qaranka iyo hawl-wadeenno kale oo uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud, ayaa maanta magaalada Baydhabo uga qayb galay shirka golaha wasiirrada Koonfur Galbeed.
Shirka oo uu guddoomiyay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa lagu soo bandhigay Halbeegyada tubaha qaranka iyo hannaanka tubuhu u shaqeeyaan, iyada oo si qota dheer looga dooday hannaanka wasaarad waliba ay uga qaadan karto qaybta uga aadan.
Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa kulanka kadib sheegay in muhiimadda shirku ay ahayd in golaha wasiirrada Koonfur Galbeed xog laga siiyo tubaha qaranka si ay qaybtooda uga qaataan, isaga oo cadeeyay in dhammaan dawlad gobaleedyada xunbaha ka ah dawladda federaalka laga qayb gelinayo dhaqan gelinta Halbeegyada tubaha qaranka.
Howlaha xukuumadda ayaa lagu saleeyay afarta Tuboood ee kala ah Tubta horumarinta dhaqaalaha, tubta siyaasadda loo dhanyahay, tubta horumarinta arrimaha bulshada iyo tubta amniga iyo cadaaladda.
baydho

baydho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.