Daawo:Khayre oo sheegay inaan dhex dhexaad laga noqonkarin dagaalka Argagixisada Shabaab

Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre oo Warbaahinta Qaranka kala hadlay Shacabka Soomaaliyeed kadib markii uusoo kormeeray isbitaallada iyo goobtii argigixisadu soo weerartay ayaa u mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee bad baadiyey dadkii argigixisadu guryagooda ku qabsatay.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda waxa uu sidoo kale u mahad celiyey dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha badbaadiyey dhaawacyada, sidoo kalena waxa uu u mahad celiyey dadka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqay walaalahood dhibaatadu soo gaartay.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa dadkii ku dhintay dhacdadii xumeyd ee shalay ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan jidka Maka Al-mukarrama, aniga iyo Wasiiradii ila socday, anagoo mataleyno Madaxweynaha iyo dowladda inteeda kale, waxaan kormeer ku soo marnay Isbitaaladii oo aan ku soo booqanay bukaanada, waxaan kaloo tegnay goobtii uu ka dhacay, qaraxa, meeshaas oo aan ku soo aragnay dad Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkisa ku daray “Waxaan leeyahay intii ku dhimatay Allaha u naxariisto, inta ku dhaawacantayna Illaahay caafimaad ha siiyo, shacabka Soomaaliyeedna kuligood inta dhibkaas gaartay Allaha, ugu horeyn waxaan rabaa inaan u mahadceliyo ciidamada Soomaaliyeed oo runtii muujiyay geesinimo weyn, oo dhiiri-gelin ay ka muuqato, iyagoo qaatay waqtigii ugu mudnaa oo ay qaadan kareen, sababtoo ah dhagarqabayaashu waxa ay galeen guri ay lahaayeen shacab Soomaaliyeed, halkaasi oo askarteena Ilaahay ha xafidee ilaa xalay ilaa iyo galabta ka shaqeynaayeen in dadkaasi la soo badbaadiyo, in ka badan 35 qofood ayay ciidamadeena halkaasi ka soo badbaadiyeen , iyagoo iyagu naftooda u huraaye”.
Dhinaca kale Ra’isulwasaaraha waxa uu ka hadlay dadaallada dowladda ee dib u habeyta, tayeynta iyo qalabeynta Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo meel wanaagsan maraya si la mid ah hormarrada ay dowladdu ka gaartay dhinaca dhaqaallaha iyana hormar looga sameeyey, dadkuna ay arki doonaan natiijadaas dhowaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.