Daawo:Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Muqdisho

wasiir

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobay weerraradii Argagixiso ee Xalay lagu qaaday xarumo ganacsi iyo Guryo ku yaalla Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ay la wadaagayaan Shacabka Soomaaliyeed weerarkii bahalnimada ahaa ee ay Argagixisadu ku qaadeen Dad Soomaaliyeed oo ku sugan Meheradahooda iyo Guryahooda.
Wasiirka oo si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehelada Dadkii weerarradaasi ku waxyeelloobay, ayaa mar kale ka tilmaamay in ujeeddada falkan Argagixisanimo laga leeyahay ay tahay in Qof haysta danahiisa caadiga ah la dhaafiyo Ummaddana lagu beero qal-qal.

Mudane; Geelle, ayaa sheegay in ay Argagixisadu beegsadaan, goobaha ay Bulshado ku isugu timmaaddo, sida Suuqyada, Hoteellada, Dukaamada, Waddooyinka iyo Guryaha la deggen yahay, iyagoo Dadkaasina dembi ugu dhigaya in ay Danahooda haysteen, iyagoo diiddayn in ay ganacsatada Soomaaliyeed maalgashtaan Dalkooda.
Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa muddada dheerayd ee ay Ciidamadu ku qaadatay howl-galka soo Afjariidda Argagixisada ku macneeyay in ay gabbaad ka dhigteen Dad Shacab ah oo ay Guryadooda ku sugnaa.
Wasiir Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamada Ammaanka, si looga gaashaanto in aysan gabbaad ka dhigan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.