Jubaland Miraha Dulmiga U Dhalay ee Qaraar Ha Muudsato W/Q Dr Yusuf Duale

madoobe

JUBALAND MIRAHA DULMIGA U DHALAY EE QARAAR HA MUUDSATO:
Ciidamada BEESHA JIDWAAQ iyo kuwa beelaha kalee ku soo biiray gadoodka lagu diidanyahay dulmiga iyo maamul xumada Jubaland la degay, xeradana ka sameystay duleedka magalada Kismaayo dhamantood waa ciidamo degaan ah, SHABAABNA aan shaqo ku lahayn.
Sidaa awgeed waxaan cid walba oo daneyneysa arrimahani u cadeynaynaa dacaayada raqiiska ah ee maamul ku sheega Jubaland dadka ku mala habaabinayaan in aay tahay been aan sal iyo raad lahayn. Ujeedada been abuurkani maamulka ka leeyahay, waa in si khaldan loo adeegsado ciidamada AMISOM.
Xukuumadda federaalka, AMISOM, reer Jubaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed way ka dheregsanyihiin shaqaaqada ciidamada ee ka taagan magaalada Kismaayo.
Waxaay ila tahay in maamulka gebiga ka lusha ee Axmed Madoobe weli aay ku riyoonayaan masrixiyadda xilligeedii dhammaaday ee ahayd ciddii iga soo horjeeda waa SHABAAB iyo waa ONLF.
Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha RJA
yuusf

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.