Federaalkii oo Dhalay Kadib Uurkii uu kasoo qaaday ImbigaatiDhawr iyo Toban sano Kadib W/Q Jimcaale

maamul

Qof kasta oo wax yar oo Soomaalinimaa jirkiisu ku jirto u malayn maayo in dhawaaqa ka soo yeeray Garoowe uu la yaabaayo ee waa waxay dhihi jireen Soomalidu(NABAR LA FILAAYEY NUSQAANMOOYEE NAXDIN MA LEH),haddaba filimaayo wadanigii awalba utuntu ku taagneyd in ay argagax gelineyso.mana baqdin gelineyso laba sababood awgood.

1-Waxay baraarujiyeen nimanka la baxay madasha wadatashiga maamulgoboleeyada dadka Soomaaliyeed ee sida qaldan federaalka macnihiisu ahaa xabaashii dawladanimada iyo gobonimada loogu dhisay ee ayyan ayyagu dooran ,sidaas darteed waxaa shacbiga la gudboon in ay si deg deg ah dawladnimadooda horay u socota badbaadsadaan nimanka waqtigii ka dhammaday,xildanbana ka quustay ee ku tashaday in dalka ,diinta iyo dadka Soomaliyeed ayyan ka dabayn ayyagana la yiraahdo intaas nagu filan raali ahaada oo na dhaafa(enough is enough).

2-Qodobka kale iima muuqato waxa ay ka damceen dalka iyo dadka Soomaaliyeed in ay u suuroobeyso ,dadkayagu weli waa noolyihiin,waxaana filayaa in ay heli doonaan ciqaabtooda oo deg deg ah .
Gabagabadii waxaan ku soo koobayaa qoraalkaygaan aan isleeyahay dareenka igu dhaliyey dadku waa ila wada qabaa awooda Afarta ardaal ay ugu dhaarteen dawlada dadka ka wada dhaxaysa,beesha caalamka oo ay ugu horeyso QM iyo urur goboleedka IGAD iyo weliba Golaha shacbiga iyo aqalka sare sow uma eka (NEEF LA GAWRACAY GEEDO KAMA WAABTO),ayyada oo qoraalkaygu ku wajahan yahay dhammaan Umadda Soomalliyeed dawlad iyo shacaba oo aan ka sugaayo in jawaab mideysan laga wada qaato afarta ardaal waxaan baaq deg deg ah u diryaa Odayaasha dhaqanka ee dawlada hada jirta dhisay shacbigana si hoose mas,uul uga ah in shanta Maamul ee dalka ka jira ay shir
ku yeeshaan kana soo saaraan bayaan in aan gobolada ay hogaanka u yihiin lagu aamini Karin kalsoonida kala laabteen siddii ay shalayba u dhiseen.
Wabilaahi Towfiiq.
Cabdullaahi Jimcaale Faarax

jim

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.