Daawo:Bananbax Madaxwayne Mustaf Dhagjar looga Codsaday inuu wax kaqabto Cabashada Bulshada Dheekaa

mustafe

Wali waxaa socda Bannaan baxyo ka dhacay Degmada Dheekaa ee lagaga soo hor jeedo Cadaalad Darrada iyo Colaadda ay Hurinaya Gudoomiyha Gobalka Maxamed Maxamud iyo Dhawrka qof ee laxulufada ah, Bulshada ku dhaqan Degmada Dheekaa ee Maamulka Soomaalida ayaa waxay Madaxwaynaha Xukuumadda Deegaanka Soomalida Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) ka codsaneynaa in Xal Deg Deg ah uhesho Dhibaatada laga Aloosayo Degmada Dheekaa.

waxayna Codsigooda ku bireen Suugaan, Mustafow Baaqan maqal.
Codsigan Bilan Aad udhuux.
Bulshadani waa daacade
Bilicda hadalkooda dhugo.
Bililiqa iyo Ma aha.
Sad Buursi waxa ay Rabaane.
Bayaan xaq ah bay Rabaan.
Maamul Baarri bay Rabaan.
Biyiyo Cilmi baay Rabaan.
Baan iyo Caafimaad iyo.
Bogsiin dhaba bay Rabaan.
Dastuur aan la Baal-marin.
la Beegsada bay Rabaan.
Balaaya Qofkii wada
Dawlad U Badheedha oo.
intaay BaBacada kudhigta.
Sharciga ku Beegtaay Rabaan.
Bara Nabad Baay Rabaan.
Badhaadho San bay Rabaan.
Booliis Amni baay Rabaan.
Colaad Baaqataay Rabaan.
Bulshada Liibaan Dhamaan.
Biloow way wacantahaye.
Baaruudda Qofkaa Sitoo.
Babbinaya Dambaaburada.
Sarci Beegsadaay Rabaan.
Waayeel wato Burda iyo.
Bilcaan iyo Carruur iyo.
Bar-Baar iyo gabi Shacb.
Dawlad Booqataay Rabaan.

2 Comments

  1. Maasha Allah Assal Laa Sukran calaa waajib waad gudateen waajibkibaadki idinka saarnaa dadkiinna.
    halkaa kasii wada.
    Mahadsanidiin.

Leave a Reply to mohammed faroole Waayeel Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.