Daawo:Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska si uu ugu kuur galo habsami u socodka qorshayaasha hor-tebinta leh ee uu horay Wasiirku u ballan qaaday in loo fulin doono hannaanka ugu habboon iyo waqtiga ugu dhaqsaha badan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kormeerka ku jiray kulan la qaatay wasiirka Wasaaradda, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo uga warbixiyay hawlaha ka socda Wasaaradda ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasiirka faray in uu laba jibbaaro dadaallada lagu dardar-gelinayo dhammaystirka qorshayaasha qabyada u ah si loo xaqiijiyo hadafka guud iyo hiigsiga danaha Qaranka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.