Dhageyso+Sawiro:CeelCade Cambaarayn loo Jeediyey Dowlada Kenya iyo Baaq Loo diray Dowlada Somaliya

ceelcade

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxuu Cambaareeyey Duqayn Xalay ay diyaaradaha dagaalka kenya ka geysteen gobolka Gedo, Duqeynta ayaa waxaa ay ka dhacay Magaalada CeelCade oo dhawaan weerar khasaaro geystay lagu qaaday Ciidamada Kenya.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi M warsame “”Deeq Faandhe” Ayaa Marka u tacsiyadeeyey Dadkii ku dhintay Kuwa dhaawac ahna alaaha Caafimaad Siiya waxaa Kaloo Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Deeq Faandhe Cambaaraayey duqeyntii xalay Diyaradaha Kenya Kuqaadeen Magaalada Ceelcade taas oo ka dhacday xaafado ay ku sugnaayeen dad shacab oo layiraado Qasax oomana.

Musharax Madaxwaynaha Jubbaland Deeq Faandhe ayaa waxuu Dowlada Federaalka ah ee Soomaliya inay wax kaqabato duqaymaha Joogtada ah ee Dowlada Kenya ka gaysanayso Jubbaland gaar ahan gobolka Gedo taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac iyo Burburin Hantiyeed.

Ugu dambayntii Musharaxa Jubbaland ayaa waxuu jaaliyada Dibada ugu baaqay inay ku bananbaxaan Safaradaha Dowlada Kenya ku leedahay Dalalka ay joogaan.


ceelcade

ceelcade

ceelcade

ceelcade

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.