Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo kormeer ku tagay Garoonka Stadium Muqdisho

Stadium

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa boggaadiyey dar-darta ay ku socoto howlaha dib loogu hagaajinayo Garoonka Cayaaraha ee Staadiyo Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay barnaamij qeyb ka ah Ololaha Is-xilqaan oo 100 dumar ah shaqo loogu abuuray, si ay u dar-dargeliyaan nadaafadda iyo dib u habeynta Garoonka.
Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay muddo labo bilood gudahood ah in lagu dhameystirayo wajiga koowaad howlaha dib u habeynta garoonka oo qeyb ka tahay Nadaafadda iyo nalayn lagu sameynayo si loogu qabto Cayaaraha Maamullada ee dhowaan nagu soo fool-leh.
“Howshan dar-darta ku socota ee dib loogu hagaajinayo garoonka StadiumMuqdisho waxay qeyb ka tahay qorshaha noo dagsan oo muddo labo bilood gudahood ah lagu dhameystirayo qeybta hore ee dib u howlgelinta Garoonka si loogu qabto Cayaaraha Maamullada Gobollada iyo Gobolka Banaadir”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.