Xildhibanada Soomaliya oo kulan ku yeelanya golaha shacabka

mursal

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho kulan ku leh Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xidlhibaanada ayaa waxaa ay kulankooda maanta ay ugu doodi doonaan sii wadista ka doodista xeer hoosaadka Golaha Shacabka ee baarlamaanka.

Maalmihii ugu dambeeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kalfadhiga Afaraad Waxaa ay kaga doodayeen Xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka,iyadoona Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan uu Xildhibaanada ku eedeeyay inay ka gaabiyeen shaqooyinkii hor yaallay Xildhibaanada.

Amaanka wadooyinka Soo gala Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka ay soo buuxdhaafiyeen Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.