Aqalka sare oo sheegay Xilliga uu furmayo Kalfadhigooda

cabdi

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare ayaa kulan ay yeesheen maanta waxay kaga hadleen Xilliga fadhiyada Golaha la bilaabayo, Warbixinadii Xog Aruurinta Guddiyadii loo kala diray Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Fadhiga ayaa markuu soo gaba gaboobay waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Sen, Cabdi Kaafi Macalin Xasan oo ah Habdhooraha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in Ajendaha  uu ka koobnaa dhowr Qodob fadhigana lagu Magacaabay Guddi laanta fulinta Dowlada kala xaajooda dhameynta Khilaafka soo kala dhex galay Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada dhexe, iyadoo dhanka kalena uu habdhoore C/kaafi Macalin Xasan uu sheegay in fadhiyada Golaha Aqalka sare BFS la go,aansaday inay bilowdaan 10 ka bishan.

“Waxaa la magacaabay Guddi laanta fulinta dowlada Federalka kala xaajooda dhameynta Khilaafkii soo kala dhex galay Dowlad goboleedyada iyo Dowlada Fderaalka Soomaaliya , Mida kale fadhiyada golaha Aqalka sare BFS waxaa la go’aansaday uu bilowdaan 10 ka bishan”ayuu yiri Habdhoore C/kaafi Macalin Xasan

Dhawaan ayay aheyd markii xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare uu gudfoonka u diray inay xog aruurin kasoo sameeyaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, si xal dhab ah looga gaaro Tabashooyinka jira.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.