Daawo: UNICEF oo Xaafiskeedii ka soo wareejiyey magaalada Nairobi muddo dheer ka dib.

unicef

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxa Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda Unicef ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee xafiiska Unicef ee Soomaaliya.
Munaasabada waxaa Goobjoog ka ahaa shaqaalihii Hay’adda Unicef ee ka howlgali jiray dalka kenya oo maanta wixii ka dambeeya shaqadooda ay tahay gudaha dalka Soomaaliya, taasoo muuqal wanaagsan ka bixinayso u hogaasanaanta Hay’adda baaqii dowladda ee ahaa in dalka ay mudo kooban ugu howlgalaan.
Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin wayn oo taariikh ah in xafiiskii Soomaaliya ee Hay’adda ee ku yaalay Niarobi in gudaha dalka ka howl bilaabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.