Video+Sawiro:Garbahaaray Munaasabada daahfurka Xarunta tababarka xirfadaha ee Shire jaamac

garbaahatray

Xarunta Shire Jaamac oo ay aasaaseen dhalinyaro aqoonyahan ah oo kunool degmada Garbahaarey ayaa waxa ay sheegeen in xaruntu qabandoonto tababar sare loogu qaadayo wacyiga iyo xirfadaha bulshada magaalada ku nool.

Waxaa kale oo machadku qaban doonaa dood cilmiyeed aqoonyahanka deegaanka ku dhaqan loo qabanayo hadba arimaha murugsan eeka jiro guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaana gobolka, sidoo kalena waxa ay xarunta soo saari doontaa cilmi baaris ku saabsan sidii bulshada deegaanka lagu hormarinlahaa iyo dhibaatada ka taagan wadanka Soomaaliya.

Intaa kadib waxay aqoonyahanku ka hadleen dood lagusoo bandhigay xafladda Halkudhaggeedu ahaa “Kala duwanaanshaha ra’yiga iyo wax wada qabsiga bulshada” taas oo ay dhalinyaro aqoonyahan ah ay dadkii ka soo qaybgalay xaflada ay ku wacyi galiyeen in kala duwanaashaha afkaarta ay noqoto mid deegaanka u horseedo horumar ee uusan noqon khilaaf wax burburiya taasoo bulshaweynta Soomaaliyeed dibu dhac ku riday.
Hoos kadaawo Warbixintii Warsame Haaji

garbo

garbo

garbo

garbo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.