Aqalka Sare oo u xaal waayay Khilaafka Golaha Shacabka

aqalka

Golaha Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay u taag waayeen xalinta ay ka dhax wadeen Golaha Shacabka, kaas oo ku aadan khilaafka cirka isku sii sheeraya ee ka dhax taagan Golaha, oo ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Gudiga Golaha Aqalka sare ay u xil saareen xalinta khilaafkaas ayaa kulamo dhowr ah oo saacado qaatay la yeeshay labada dhinac, ee kala ah xildhibaanada Mooshinka wada iyo kuwa diidan ee la safan Gudoomiye Jawaari, Gudiga ayaa tilmaamay in ay ku adkaatay in ay isu soo dhaweeyaan dhinacyadaan iyo in khilaafka lagu dhameeyo waxa uu sharciga ka qabo.

Qodobada leysku mari waayay ayaa ah in Ciidamadii la geeyay xarunta Golaha Shacabka laga qaado iyo isla garta xilliga mooshinka la horgeeynayo Baarlamaanka, iyadoo labada dhinac raalli isaga yihiin.

Guddiga Aqalka Sare ayaa horay u soo saaray in mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari lagu horgeeyo Baarlamaanka muddo 10 cisho ah oo ka soo bilaabata 18-ka bishan, kuna eg 28ka bishaan oo xalay saqdii dhexe ku ekeyd, laakiin aysan suura galin in mudadaasi lagu dhameeyo khilaafka la xariira Mooshinkaasi.

Go`aan ka soo baxay Golaha Aqalka sare ayaa imaanaya xili go`aan midkaan oo kala ah uu ka soo baxay Gudiga Badbaadada Golaha Shacabka kuwaas oo ku dhawaaqay in uu buray Mooshinkii isla markaana lagu qaban waayay mudadii lagu balamay, inkastoo go`aankaas ay ka hor imaadeen Xildhibaanada wada Mooshinka oo tilmaamay in mooshinka uu wali halkiisii yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.