Sarkaal ka tirsanay Al-shabaab oo lagu dilay G/Hiiraan.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada xooga iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Jabuuti  ee shalay ku baxay wadda dheer ee isku xerta Magaalooyinka Beladweyne iyo Buula-burde ee gobolka Hiiraan ay dileen dagaalame ka tirsan Al-shabaab una qaabilsanay aruurinta lacagaha laga qaado shacabka una yaqaanaan Al-shabaab Sekawaadka.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Qaranka in sargaal lagu magacaabo Cali Axmed Guure, oo ka tirsan Al-shabaab una qaabilsanay Sekawaadka lagu dilay howgal ciidamda Xooga iyo AMISOM ay ka sameeyeen inta u dhaxeeysa magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in u jeedka ciidamadaan uu yahay sidii ay isugu furi lahaayeen isku socodka magaalooyinka Beladweyne iyo Buula-burde oo aysan mari karin wadadda dheer ee isku xerta magaalooyinkaasi mas`uuliyiinta Dowlada oo aan wadanin ciidan badan iyo Gaadiid dagaal.

Al Shabaab ayaa ku sugan wadada laamiga ah ee xiriirisa Magaalooyinka Baledweyne iyo Buulo burde, wayna  adag tahay in gaadiidka dowladda halkaasi si nabadgelyo ah ku maraan.

Magaalada Buula-burde ayaa muddo ka badan 4 sano waxaa go`adoomiyay dagaalamayaasha Al-shabaab, waxana Saraakiisha ciidamada Xooga ay tilmaameen in howgalkaan uu yahay mid ay ku doonayaan in go`adoonka looga qaado Magaaladaasi,.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.