Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo rasaaseeyay Gaariga Hanti-dhowraha Qaranka.

deg

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee fariisinka ku leh agagaarka Sayidka ee magaalada Muqdisho ayaa rasaas ku furay Gaari uu lahaa Hanti-dhowraha Guud ee qaranka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali “Afgooye”.

Goob joogayaal ayaa ku ii sheegay in Gaariga ay Taayarada ka banjariyeen Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya gaarigaas oo ahaa  Bullet buruuf “Kuwa aan Xabadda Karin”

Hanti-dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali “Afgooye” ayaa ka maqnaa Gaariga waxaana la aaminsan yahay in uu saaran yahay oo kaliya Darawalka, Wadaha Gaariga ayaa diiday in uu furo Albaabada Gaariga si loo baaro waxa uuna isku dayay in uu xoog ku soo maro Xarunta Ciidanka waxaana kadib Qoriga culus ee ka dhaca Gaariga nuuca Cabdi Bile ah la sheegay in ay Ciidamada ku fureen waxa ayna taasi ay sababtay in Gaariga uu Taayarada ka Banjaro.

Qaar ka mid ah Ciidamada ku sugan agagaarka Sayidka ayaa noo sheegay in aan ilaa hadda Banaanka u soo bixin Wadaha Gaariga lana ogayn sababta uu wali ugu dhax jiro, Warar kale ayaa sheegaya in uu wacday mas’uuliyiin Islamarkaana uu sheegay in uu ka baqayo Ciidanka rasaaseeyay Gaarigii uu watay.

Gaariga Bullet buruuf waa Gaari aan karin Xabadda waxana ay arintaasi sababtay in Wadaha Gaariga uu halkiisa kala socdo dhaq dhaqaaqa banaanka ee Ciidamada, amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad maanta loo adkeeyay waxaana agagaar Sayidka ka socda Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hanti-dhowraha qaranka oo aan la xariirnay wali nooma suurta galin in aan helno si aan wax uga weydiino arintaan, sidoo kale Laamaha amaanka Soomaaliya wali kama hadlin falkaan ka dhacay agagaarka Madaxtooyada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.