Howlgalka guur guura ee Dowladda oo kordhisay

danab

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo ka socda meelo badan oo ka mid ah Gobalada Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab laga saaray meelo badan oo ka mid ah Bartamaha iyo Koofurta Dalka.

Howlgalkan oo aan aheyn mid loogu talagalay in Ciidamada ay ku sugnaadan goobihii ay qabsadaan ayaa Al-shabaab looga dilay dagaalamayaal badan waxaana sidoo kale looga furtay hub iyo qalab Ciidan.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa  sheegay in Ciidamada lagu amray in ay sameeyaan Howlgalo lagu qaado goobaha ay ka taliyaan Al-Shabaab gaar ahaan Saldhigyada muhiimka ah ee Shabaab.

Howlgalka oo isku mid ah ayaa Saraakiisha qaar ugu magac darayn “HURDA DIIDA” Waxaana ka mid ah meelaha laga sameeyay degmooyin badan oo ka mid ah Shabeelaha Hoose, Galgaduud, Baay, iyo Gobalka Hiiraan oo kii ugu dambeeyay ay Ciidamada ku qabsaday deegaanka Moqo-kori ee gobalka Hiiraan.

Tani ayaa looga gol leeyahay wiiqadda awoodda Al-Shabaab, waxaana durba lagu ogaaday in aysan shabaab xoog leh ka jirin Soomaaliya sidoo kale Howlgalkaan ayaa baajiyay qorshe ay shabaab ku damacsanaayeen in ay weeraro ka geestaan meelo ka mid ah Soomaaliya, sidoo kale Al-Shabaab ayaa hadda ku jira difaac halka markii hore ay Ciidamada Dowladda ku jirayn Difaac shabaabna ay ahaayeen Weerar fuliyaal.

Saraakiisha amaanka iyo Qubarada dhinaca amniga ayaa sheegaya in tani ay baa’bi’in karta awoodda Al-Shabaab hadii ay Ciidamada sidaan ku sii wadaan, Al-Shabaab ayaa si guud iyo si dadbanba awoodoodii dhinaca weerarada yaraatay halka dhinaca Ciidamada Dowladda ay muujiyeen Awoodo dheeraad ah, sida ay sheegeen Qubarada dhinaca amniga.

Ciidamada Howlgalkaan fulinaya ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ciidamada gaarka ah ee DANAB, iyo Militariga Soomaaliya, Howlgalka qaar waxaa ka qayb qaadanaya Ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.