Daawo:Mashaariic Laga Dhagax Dhigay Magaalada Garbaaharey ee Gobolka Gedo

garbo

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya C/laahi Sheekh Cali “Qaloocoow” oo maanta booqasho ku tagay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ayaa halkaasi ka furay mashaariic horumarineed oo kala ahaa dhismaha xarunta maamulka iyo nalalka ku shaqeeya ileyska Cadceedda, oo ay hirgelineyso wasaaradda Maaliyadda.
Munaasabaddi furitaanka mashaariicdaasi waxaa goob joog ka ahaa xildhibaan Sagal C/risaaq Isaaq Biixi, gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Maxamuud Maxamed, gudoomiyaha degmada Garbahaareey iyo xubo ka socday qeybaha bulshada ku nool halkaasi.
Gudoomiyaha degmada Garbahaareey iyo kan gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay baahiyaha ka jira magaaladaasi, iyagoo codsaday in la sii kordhiyo mashaariicda noocan oo kale ah.

Xildhibaan Sagal Cabdirisaaq Isaaq Biixi oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto Garbahaareey ayaa soo dhaweysay mashaariicda wasaaradda Maaliyaddu ka hirgelineyso magaaladaasi, iyadoo xustay in bulshada ku nool Garbahaareey ay qabaan baahiyo dhinac walba ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda C/laahi Sh. Cali “Qaloocoow” ayaa ku ammaanay bulshada ku nool magaaladaasi sida ay ugu weyntahay qiimaha dowladnimada, wuxuuna tilmaamay in mashaariicdan ay hirgelineyso wasaaradda Maaliyadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.