Raiisul wasaaraha Soomaliya ayaa ka qayb galay xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu weynaynayey maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo oo sanad walba 21-ka Febraayo la qabto.Waxaana soo qaban qaabiyay maamulka Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee “AGA” iyo Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo kaashanaya Abwaannada Soomaaliyeed.

Waxaa ka soo qayb galay kulanka guddoomiyaha Gollaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee “AGA” Maxamed Daahir Afrax, guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, Abwaano, Fannaaniin iyo qaar kamid ah qaybaha kale ee bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.