Daawo:Dowlada Qadar ayaa Gaadiid loogu talagalay Ciidamada Booliska ugu Deeqday Dowlada Soomaaliya

gaari

Dowladda Soomaaliya ayaa Dowladda Qadar ka Guddoontay 30 gaadiid oo nooca Landcroser-ka ah ,kuwaasi oo loogu talagaly Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kadib munaasabad kooban oo maanta ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa gaadiidkan Ciidan ka guddoomay Danjiarah Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Eng. Xasan Bin Xamza,iyadoo uu goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo mas’uuliyiin kale.
Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa dowladda Qadar uga mahadceliyay dowrka ay ku leedahay Taageerida dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.