Shir looga hadlaayo isu socodka IGAD oo muqdisho ka furmay.

Wadamada urur gobaleedka IGAD ayaa maanta ka shiraya sidii la isugu furi lahaa Xadduudaha wadamada bariga Africa , waxaana shirkaasi ka socdaa Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ka socda xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa ujeedkiisa waxay tahay la tashiyo ku saabsan sidii loo furi lahaa xadduudaha wadamada IGAD  fiisa la’aan si ay u suurta gasho sare u kac dhaqaale iadoo amniga laga taxa-darayo amaanka.

Dhinacyadan ayaa isla gorfeynaya hanaanka ugu haboon ee dalalka ku bahoobay IGAD, muwaadiniintooda Bilaa Viiso ay isaga gudbi lahaayeen dalalkaasi.

Shirkaan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa lagu qabto Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu yahay mid ahmiyad wayn u leh Somaliya, haddii la isla garto wadamada IGAD ku bahoobay muwaadiniintooda Viisa la’aan inay isaga gudbaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.