Itoobiya iyo ONLF oo ku shiraya magaalada Nairoobi ee wadanka Kenya

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa soo sheegaya in maanta Nairobi uu ka furmay shir u dhaxeeya wakiilo ka socda Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda dib u xuraynta Ogaadeeniya ee ONLF.

Qaar ka mid ah ka qayb galayaasha shirka ayaa  sheegay in shirkaan ay soo qaban qaabisay Dowladda Kenya, waxaana dadka ka qayb galayaa ka mid ah Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar iyo Xubno la socda kuwaas oo Itoobiya Ku matalaya wadahadalka.

Sidoo kale Shirka waxaa ka qayb galaya wakiilo ka socda jabhadda ONLF oo muddo dheer dagaal kula jirtay Dowladda Itoobiya, waxaana wararku sheegayaan in shirkaan uu daba joogo shirar kale oo hore ugu soo qabsoomay Dalalka Suudaan iyo Kenya oo kii ugu dambeeyay dhacay sanadkii 2012-kii.

Jabhadda dib u xureynta Ogaadeeniya ee raadineysa xurnimada Soomaali Galbeed iyo Dowlada Itoobiyo oo waligood la dagalamayay ayaa isku haaya madaxbanaanida gobalka iyo dadka Soomaaliyeed oo ay Itoobiya Gumeysato waxaana dagaaladii dhacay lagu waayay kumaanan Soomaali iyo Itoobiyan ah.

C/qaadir Xasan Hirmooge afayeenka Jabhadda dib u xuraynta Ogaadeeniya oo aan telephone-ka kula xariiray ayaa waydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in maanta shir u dhaxeeya Itoobiya iyo ONLF uu ka furmaya Kenya, wuxuuna tilmaamay in maanta Nairobi uu ka furmay shirkaas isla marnaana ay la tageen qorshayaal waa weyn.

Shirkaan u dhaxeeya Itoobiya iyo ONLF ayaa la sheegay in qodobada looga hadlayo ay ku jiraan kuwa adagtahay in is faham laga gaaro, soona taagnaa wax kabadan 40 sano oo ay wadahalo socdeyn, Itoobiya ayaa dooneysa in ay maamusho Dhulka Soomaali Galbeed halka ONLF ay doonayaan madaxbanaani iyo umadax banaani iyo Arimaha u gaarka ah Soomaali Galbeed sida uu mar kale ii sheegay Afayeenka ONLF.

Dowladda itoobiya ayaa baadi goob ugu jirta in ay dejiso xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee gobalka Soomaali Galbeed, kadib markii ay jabhadda ONLF cabashooyin badan ka gubiyeen Dowladda Itoobiya waxaana cabasahdaasi itoobiya ku cadaadiyay Wadamada yurub, ameerica iyo qaar ka mid ah Wadamada Africa.

In kabadan 5,000 oo qof ugu yaraan 2,000 oo ka mid ah ay yihiin xubnaha sare  ee ONLF ayaa ku jira gacanta Dowladda itoobiya waxaana la sheegaa in ay wajahaan xaalado adag oo dhinaca Nolasha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.