Axmed Madoobe ayaa Xiray Xafiiskii Talafishinka RTN ee Magalada Kismaayo Kadib Markii lagu tilmaamay Kali taliye

Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland ayaa waxay sheegayaan Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu amar ku baxshay in laxiro xafiiska Tvga RTN oo Kamida Talefishinada Soomalida ee ka hawgala Magaalada Kismaayo.

Talefishanka RTN ayaa sii daayey wareysi uu la yeeshay Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdullaahi Ciilmooge hirsi, waxuuna musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Ciilmooge ku eedeeyey Axmed Madoobe inuu yahay kali taliye xaalufiyey dhirtii isagoo Afar sano dalka dibadiisa u dhoofinaayey dhuxul.

Dhaliilaha loo uu soo jeediyey Ciilmooge ee ka baxay talefishinka RTN ayaa sababay in laxiro Xafiiskiisa Kismaayo, waxaana mudooyinkii dambe Madaxwaynaha Jubbaland Caburin ku hayey Xildhibanada,Saxaafada, Iyo Bulshada Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.