Wasiirka Amniga oo ka hadlay isu socodka wadada Muqdisho iyo Balcad

Degmada Balcad ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe maanta waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle).

Wafdiga Wasiirka waxaa magaalada Balcad ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur (Qaasim Furdug), Saraakiil ciidan iyo xubno kale.

Waxa uu sheegay Amniga magaalada inuu yahay mid wanaagsan hadana la sii xoojin doono, wuxuu kaloo sheegay wadooyinka u dhow degmada Balcad in ay soo galeen dagaalyahano Shabaab ah oo weeraro geysta, balse arrintaasi Ciidamada ay wax ka qaban doonaan.

Sidoo kale Wasiir Islow ayaa sheegay in Dowladda ay wado qorshe lagu dhisayo wadooyinka xiriiriya Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Dhexe, si looga gudbo dhibaatooyinka iyo weerarada mararka qaar dhaca.

Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Shabaab inaan laga yeeli doonin weeraro ay ka geystaan wadooyinka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna shacabka ka dalbaday in Hay’adaha amniga ay la shaqeeyaan.

Ugu dambeyntii Wasiirka Amniga ayaa u sheegay shacabka Balcad in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, Guddoonka Baarlamaanka ay ka shaqeynayaan sidii Balcad ay mar walba u noqon laheyd meel nabad ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.