Taliyaha Saldhigga Booliiska D/Deyniile oo ka badbaaday Qarax ka dhacay Muqdisho.

Qarax miino oo lagu aasay Waddo ku taala xaafadda Xararyaale degmada Wardhiiglay ee gobalka Banaadir ayaa la sheegay in uu ka badbaaday Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Deyniile.

Mas’uuliyiin ka tirsan Laamaha amaanka gobalka Banaadir iyo Mas’uuliyiinta degmada Deyniile ayaa  sheegay in qaraxa ka dhacay Ifka Xalane ee degmada Wardhiiglay, waxa uuna ahaa Miinada Nuuca dhulka lagu aaso.

Sidoo kale Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka badbaaday Taliyaha Saldhigga Degmada Deyniile Macalim Faarax iyo Ciidan la socday, Gaariga Taliyaha ayaa la sheegay in waxyar ka hor uu ka gudbaday goobtaasi, waxaana wararka qaar sheegayaan in ay jirto dhaawacyo firar ah oo soo gaaray Ciidan la socday Taliyaha.

Ilaa hadda ma jirto wax dhimasho ah oo qaraxaasi ka dhashay oo aan helayno balse waxaa dadka deegaanka ay noo sheegeyn in ay jiraan dad ku dhaawacmay Qaraxaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.